Wararka Maqaallo

BAAQ CANBAAREYN AH! “Shirka DHUUSA-MAREEB”

July 21-07 2020

“Shirka Dhuusa-mareeb”

Madasha Qurba-joogta Mudulood (Muqdisho Principle) kadib markay tala la wadaagtay bulshada deggan G/Banaadir oo ay hogaan ka yihiin Odayaasha Dhaqanka, Siyaasiyiinta, Culamaa’udiinka, Dhaliyaradda, haweenka,bulshada rayadkaa iyo dhamaan Shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir, waxay si weyn u canbaareynayaan, sida loogu tagrifalay,looguna xadgudbay xubin-nimadii Shacabka Gobolka Banaadir ku matali lahayd Shirka Wadatashiga Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ku shiraya Dhuusamareeb, taas oo uu si shaqsi ah ugu tagrifalay Maxamed Cabdullahi Farmaajo, oo si bareer ah u aasay xuquuqda Shacabka sadexda Milyan iyo barka ah (3.5million), ee ku dhaqan Gobolka Banaadir, isna hortaagay xitaa Gudoomiyihii Gobolka Banaadir Cumar Filish, ee uu Farmaajo gacantiisa ku magacawday inuu ka qaybgalo shirkaa Dhuusamareeb, sidaas si la mid ahna madaxda dowladaha xibinta ka ah Dowladda Federaalka ay iska indha tireen xaqa ka qayb galka uu leeyahay G/Banaadir meesha looga tashahaayo masiirka siyaasadeed ee Soomaaliya

Shacabka Gobolka Banaadir, waa canshuur bixiyaha keliya ee ay Dowladda Federaalka Soomaliya, ku tiirsan tahay laguna maalgeliyo mashaariicda iyo bahiyaha ka jira D/Gobaleedyada dalka ka jira, waana shacabka keliya ee u dulqaata iyagoo canshuurbixya yaal ah, qaraxa, Amni darada, gumaadka, jid-gooyada, xad gudubyada ciidan iyo boobka joogtada ah ee lagu hayo ganacsatadooda.

Hadaba waxaan u sheegaynaa beesha caalamka, Dowladda Soomaaliya, Xisbiyada Siyaasadda ee ka jira Soomaliya,D/Gobaleedyada ku shirsan meeshaas iyo dhamaan dowladaha daneeya Soomaliya, in shirkaasi oo aysan jirin cid mataleysa shacabka Gobolka Banaadir oo ay tiradooda kor u dhaaftay 3.5 Million, waajib dastuuri ahna ay tahay in ay goob joog ka ahaadaan goob kasta ee masiirka iyo danaha ummadda Soomaaliyeed looga tashanayo in wax alla wixii shirkaas ka soo baxa aan laga aqoonsa doonin G/Banaadir.

“Wax badan ayaa Shacabka reer Muqdisho, lagu dulminayay, laguna xadgudbayay, masraxyada siyaasadda dalka, hadana waxaa inoo muuqata in kaalintii ay shacabka Gobolka Banaadir ku laheyd aaya ka talinta masiirkooda gudaha dalka ay Dowladda Federaalka Soomaliya ku afduubteen dano siyaasadeed iyo xil kororsi, falkaa ma aqbalayaan Shacabka Gobolka Banaadir, waa ay soo jeedaan, mana yeelayaan in xaqooda iyo xaquuqdooda ay ku tagrifalayaan Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaliya iyo R/wasaaraha Soomaliya,

“Dhamaan dowladaha daneeya arimaha Soomaliya iyo Qaramada Midoobay, waxaan uga digaynaa in ay aqoonsan go,aanada qaldan ee kasoo baxaya shirka Dhuusamareeb.

Ugu danbeyntii, mar kale Madasha Qurba-joogta Muddulood (Muqdisho Principle), waxay u cadeynaysaa ummadda Soomaaliyeed in shirka Dhuusa-mareeb iyo wixii ka soo baxaba ay cambaaraynayso aqoonsanaynna isla markaasna shacabka G/banaadir ay falcelin muujin doonaan.

Wabillaahi Towfiiq

Muqdisho Principle, ( Madasha Qurba-joogta Muddulood)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *