Isboortiga

Barca oo hanatay Horyaalka Spain ee La Liga 2018/19. Waana markii 8-daad muddo 11 sano ah.

Barcelona ayaa soo gaba gabaysay tartankii koobka horyaalka La Liga kadib markii ay guul cidhiidhi ah Camp Nou kaga gaadhay kaga gaadhay kooxda Levante. Lionel Messi oo kaydka ka soo baxay Barcelona ka caawiyay in ay guushan ka gaadhay Levante isaga oo dhaliyay goolka kaliya ee ay saddexdii dhibcood ee ay u baahnayd ku heshay Blaugrana.

Barcelona ayaa ku guulaysatay koobkeedii 26 aad ee horyaalka La liga iyada oo xili ciyaareedkii labaad oo xidhiidh ah koobkan difaacatay waxaana intaas kadib bilawday xafladaynta ciyaartoyda iyo jamaahiirta kooxda Barcelona.

Barcelona ayaa xisaab ahaan horyaalka La Liga u xaqiijisatay iyada horyaalka ay ka hadhsan yihiin 3 kulan oo 9 dhibcood lagu heli karo waana dhibco ayna Atletico Madrid oo kaalinta labaad ku jirtaa koobkan ugu guulaysan karin xataa haddii ay wada guulaysato. Waxaana ay Barca ku qaaday dagaalkii labada kooxood taas oo la macno ah inay ka natiijo wanaagsaneed Kooxda caasimmada ka dhisan labadii kulan ay ciyaareen.

W/D AK

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *