Wararka

Dhibaatada Ciidamada Dowladda ay ku Hayaan Shacabka “MOORYAAN SHARCIYEYSAN” “TUUGO LA SHARCIYEEYAY”

Hadii aad degan tahay duleedka Muqdisho, gaar ahaan deegaanka Ceelasha waxaad wajaheysaa dhibaato dhinaca isu kala gooshida laba dhinac, iyadoo maanka lagu hayo kahortaga amni darada ay geystaan kooxaha nabad-diidka ah, hadana waxa meesha ka jira ma’aha sugid amaan ee waa boobida xoolaha shacabka oo qaab sharciyeysan laga dhigay…!!!

Ciidamada ka howlgala inta u dhaxeysa Ex-Control ilaa Ceelasha waa kuwo u tafaxeytay dabargoynta hantida shacabka, iyadoo laga bilaabo Ex-Control ilaa iyo Ceelasha aad ku arkeyso Afar Checkpoint oo midkiiba raba Dolar lacag ah, waxa yaab iyo amakaag ah waa xanibaada meesha ka jirta, inta gawaari ee halkaasi ku cadibmeysa oo Askariga jooga uusan marna u naxeyn, ayna ka go’an tahay oo keliya inuu gaarigii iyo Pajajkii socdaba uu ka gurto lacagta, taasi oo ay la wadaagaan inta ku sugan goobtaasi oo meteleysa ciidamada dowladda ee ka howlgasha halkaasi.

Majiraan in gawaarida la baaro, taasi oo aad ku qanci karto inay howlo baaritaan socdaan, haseyeeshee waa ula kac lagu dabargoynayo masaakiinta ukala goosheysa deegaanada.
Waxaa ugu daran Contaroolka xiga kan Ex-controol oo garab haya hey’adda nabadsugida oo ay dadka u yaqaaniin Waaxda, taasi oo ciidamada labada dhinac fadhiya ay u jeedaan ciriiriga ka dhasha falka ay ku kacayaan ciidamada ee ah xanibaada gawaarida dadweynaha, xitaa kolka loo fiiriyo dhinaca amaanka khatar ku ah in lagu soo dhexdhuunto oo ay halkaasi ka dhashaan ayaan daro ku soo korodha umadda Soomaaliyeed.

Goobo baaritaan way jiraan, kuwaasi oo lagu baaro gawaarida raran ee looga shakinayo inay wax sidaan, waana arin sax ah oo lagu sugayo amaanka shacabka, haseyeeshee in masaafad ka yar 8 KM ay afar checkpoint yaalaan, kuwaasi oo aan amaanka waxba ka qaban ee u jooga inay gawaarida u kala gooshta labada dhinac uun dhibaateeyaan ayaa ah wax aan caqliga geli karin oo u baahan inay Dowladda wax ka qabato iyadoo u turaysa shacabka masaakiinta ah, kana qabato ciidamo ku sheega meesha isugu yimid ee MOORYAANTA ah, kuwaasi oo sameeya rasaas tuurid, hadii ay waayaan lacagta, oo mararka qaarkood ka dhasha dhimasho iyo dhaawacyo dusha loo saaro qolyaha gaadiidleyda oo lagu sheego inay amarka raaci waayeen, waana been ay isla ogyihiin taliyaha iyo ciidamada ka howlgala goobahaas.

Arintan ma’aha wax u taagan maamul gobol ee waa arin Dowladeed oo u baahan in si degdeg ah wax looga qabto inta aysan shacabka ka niyad jabin dowladooda iyo ciidamadooda.

Desktop News
Somalisounds – Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *