Maqaallo Nolosha SHEEKOOYIN

Gabar kasta oo Soowjad xun la yiraahda ninkaa ku xumaada sababta…

Gabar kasta oo Soowjad xun la yiraahda ninkaa ku xumaada sababtuna waxaan u leeyahay Alaah(SWT) waxa uu yiri:
الرِّجَالُ قَوَّامُونَ عَلَى النِّسَاءِ .
Maraka Haduu Ninku Nin adag Oo Gabadha indhahadeeda Buuxiya qalbigeedana buuxiya Yahay Ma Noqon Karto Oori Xun.

Gudashada Waajibka Aabenimo Iyo Buuxiinta iyo dhameys tirka Baahiyaha qoyska ayaa Tiir adag u ah jiritaanka Reeraha.

Inkastoo ay jiraan Aqoonyahano badan oo wax ka qoray cilmiga bulshada gaar ahaan Amuuraha Qoyska hadana Waa tan aanu ugu baahi badanahay.

Dal joogu waxuu u maara la’yahay Xal u helida dumitanka qoysaska Dibad Jooguna Waa mushkilada Ugu badan Ee Heysata, Inkastoo Ay jiraan qoysas ka fayoow xanuunkaan hadana marka la Eego Caddadaka ay bulshada ka yihiin waa mid kooban.

Inkastoo  Raad Raac iyo Cadeeymo Aannan u haayin hadan Hablaha Somaaliyeed waxaa la dhihi karaa Qaarkood waxey ku dhex milmeen lana Falgaleen dhaqanka wadamada Reer galbedka Oo waxaa maraka qaar la arkaa habla leh waxaan u baahanay In Seygeeyga qaato amarkeeyga Seygeegu Waa inuu noqdaa (Romantic) Iyo xujooyin kale Oo ugu Sundan Buuga Shuuradaha Ee Sifeynaya Nuuca Seyga ay dooneyso.

Dulucda qormadeydan oo aanan Aheey Dulaan ka dhan ah hablaha soomaaliyeed iyo faag faagida Xumahooda Ayaan waxaan uga gol leeyahay inaan Codkeyga ku biiriyo Aqoonyahanka u darbaday Raadinta xal u helida Qoysaska Duma iyo Kuwa Ku jahwareersan Dooqashada qofka ay nololsha la wadaagi lahaayeen.

Marka Arimahan dhan aad Eegto xalka waxaad u bahantahay inaad ka raadiso Shaki la’aan Qaab Dooqistii Ay Sunada Sifeeysay Ee uu Abuu Hurayrah (Alle ha ka raalli noqdee) Ka wariyay
Nabiga (SCW)Yiri: Ku Doorta Haweneyda Afartan Sifood:(DIINTEEDA,QURUXDEEDA,MAALKEEDA,NASABKEEDA).
Raga Kaliya lama hadleenee haweenkuba Afartan Ayeey Ku dooranayaan Raga.

Sidaa darteed Dhamaan dhibatada Orida xun iyo Abaaha xun kasoo Gaarta Qoysaska Soomaaliyeed dal iyo diibada meeshee donaan ha joogaanee Waxaa dhiig joojin u noqon kara dhaqanka Suuban Ee soomaaliyeed Kaas Oo ku qotoma diinta Islaamka Iyo Sunada nabiga SCW.

FG:Waan Soo dhaweynayaa wax ku daris iyo kareebis labadaba Haduu Kuu mooqdo qalad ma qaldame waa Alaah(SWT)

Fadlan la wadaag saaxiibada
WQ/Ahmed Wehliye Gaashaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *