Wararka

General Koronto’ oo dhaliilay siyaasiyiin caan ah Muuqaalka halkaan ka daawo

Taliyihii hore ee Qeybta 27aad ee Ciidanka xoogga dalka General Koronto oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Siyaasiyiinta u hadlay dowladda aanay aheyn dad matala dadka Banaadir oo ay yihiin kuwo horay u kala qeybiyay dadka oo taariikhdooda la haayo.

“nimanka xalay hadlay ee Siyaasiyiinta ah, sida Salaad Cali Jeelle iyo Cali Maxamed Geeddi iyo Cali wajiis waa nimanka kala qeybiyay dadka Banaadir oo horay uga soo fashilmay dalka inay maanta dowladda u hadlaan waa nasiib darro, mana ahan arin eey qaadan karaan dadka dagan Gobalka Banaadir.

Oo aaneey dadkaas eeysan ku qanacsaneeyn dadka Banaadir inay u hadlaan Dowlada oo ay ku soo horkacaan, waxay abuureysa waxyaabo horay loo iloobay in dib loo soo xusuusto, Madaxweyne waxaa loo qaadanayaa inuu raalli ka yahay, nimankaas. Mana matalaan dadka Banaadir waa dad taariikhdooda qoran tahay oo dhibaatooyin u geystay dadkaan”

Shacabka Mogadishu dagan waa dad xur u ah go’aan kooda marnaba raali kama noqan doonaan in dad anaan mudnee

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *