Isboortiga

HORDHAC: Manchester United vs Barcelona – Rikoorada Kulamadoodii Hore, Shaxda Macquulka Ah Iyo Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Dhaawacyada Iyo Ganaaxyada Labada Kooxood.

United ayaa caawa garoonkeeda Old Trafford kusoo dhoweynaysa Barcelona oo lugta hore ay albaabada iskugu xidhan doonaan gegida xamaasadda ee sida quruxda badan loogu qaabeeyey in daawadeyaashu ay si isku cabbir ah u daawadaan dusha sare illaa sakadda ugu hoosaysa.

Labada Kooxood ayaa wareega 16-ka kaga soo kala garaacay labada Kooxood ee reer France Lyon iyo PSG.

Manchester United iyo Barcelona waxay taariikhdooda iskaga hor yimaaddeen 11 jeer tartamada Yurub, waxaana ay haystaan natiijooyin isku dhow. Barca ayaa badisay afar ka mid ah kulamadaas, halka Manchester ay saddex guulood ka haysato, afarta kalena barbar-dhac ayay galeen.

Xogta Kulanka:

Ciyaarta: Manchester United vs Barcelona

Tartanka: Lugta hore ee wareegga siddeedda Champions League

Waqtiga: 10:00PM – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Old Trafford, Manchester, UK.

Dhaawacyada: Matic, Herrera iyo Valencia ayaa ka maqnaan doono halka Sanchez uusan dooneeynin macalin Ole inuu qatar galiyaa.

Osman Dembele ayaa Barca u soo laaban doono.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood:

Man United:
De Gea; Young, Smalling, Lindelof, Shaw; McTominay, Fred, Pogba; Lingard, Lukaku, Rashford.

Barcelona: Ter Stegen; Roberto, Pique, Lenglet, Alba; Rakitic, Busquets, Arthur; Messi, Suarez, Coutinho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *