Isboortiga

Kabtankii Cardiff Sean Morrison oo ka saaciday Liverpool guul ay baahneed xalay. Hadaba muxuu sameeye?

Kulankii ay Liverpool guusha ka soo gaartay kooxda Cardiff City waxaa dhexda ugu jiray kabtanka Cardiff ee Sean Morrison kaas oo sameeyay dhacdooyin hadal hayn badan keenay. Laakiin jamaahiirta Premier league ee aan doonayn in ay Liverpool koobka ku guulaysato ayaa soo jeediyay in Sean Morrison uu kooxda Reds ka caawiyay in ay saddexda dhicbood soo heshay.

Waxaa jira dhawr dhacdo oo Sean Morrison loogu eedeeyay in uu ahaa sababta ay Liverpool u guulaysatay waxaaan lagu xidhay dhacdooyinkan hadal uu bishii October 2018 ka sheegay Liverpool taas oo la xidhiidha kooxda uu doonayay in ay koobka Premier league ku guulaysato xili ciyaareedkan.

Maxay Ahaayeen Dhacdooyinkii Uu Kabtanka Cardiff City ee Sean Morrison Uu Ka Sameeyay Kulankii Liverpool Ee Falcelinta Waalida Ah Keenay? Saddexdan arimood ayaa sal u ah iyo hadalkiisii hore.

1-Sean Morrison ayaa lagu eedeeyay in uu ahaa xidigii sababta u ahaa goolkii uu furitaanka ee Liverpool waxayna taageerayaasha xag jirka ah ee Liverpool ka soo horjeedaa ay ku doodeen in Sean Morrison uu sii daayay Gini Wijnaldium.

2- Sean Morrison ayaa helay fursad aan la rumaysan karin oo goolka Liverpool madhnaa kadib markii uu Alisson isku dayay in uu kubbad saaro laakiin Sean Morrison oo isku dayay in uu kubbada madaxa ku darbeeyo isaga oo goolka Reds u jiray 8 yards oo kaliya ayay dhabarka kaga dhacday wuxuuna lumiyay wax lagu qeexay fursad qasaarintii xili ciyaareedkan balse waxaa loo badalay in uu si ula kac ah u lumiyay.

3- Sean Morrison ayaa ahaa xidigii Mohamed Salah ku galay qaladkii rekoodhe ee Cardiff City lagu dhigay, waxaana lagu eedeeyay in uu isagu ujeedo ka lahaa maadaama oo uu dhawr jeer qalad ku galay Salah, waxayna arintani khilaafsan tahay hadalkii hore ee Salah loogu eedaynayay in uu istuuray.

Saddexdan arimood ayaa kabtanka Cardiff City loogu eedeeyay in uu Liverpool ka caawiyay guushii Cardiff City waxaana sabab u ah hadalkiisii hore ee uu ku sheegay in uu rajaynayo in Liverpool ay xili ciyaareedkan ku guulaysato koobka Premeir league.

Aan soo qaadano hadalkii Sean Morrison uu saxaafada u sheegay bishii October ee sanadkii la soo dhaafay markii ay Anfield booqashada ku tagayeen oo la waydiiyay kooxda uu xili ciyaareedkan u rajaynayo in ay koobka Premier league ku guulaysato. Wuxuu ku jawaabay Liverpool taas oo keentay shaki ah inuu sii daaye.

W/D AK

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *