Wararka

Madaxweyii hore ee Soomaaliya oo Muqadishu lagu soo dhaweeyay

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya SheekhShariif ahna Hoggaamiyaha Xisbiga Himilo Qaran ayaa goor dhow soo gaaray magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Shariif ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Wasiirka Amniga Qaranka, Xildhibaano ka tirsan labada aqal iyo mas’uuliyiin kale oo aad u fara badan
Hogaamiyaha xisbiga Himilo Qaran Shariif ayaa loo galbiyay guriga uu ka degan yahay Muqdisho.

Imaanshaha madaxweyne Shariif ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay si aad ah loo hadal hayay, waxaana magaalada Muqdisho ka socday qaban qaabo lagu soo dhoweynayo.
Wararka nasoo gaaray ayaa sheegaya in maalinta Sabtida uu ka qeyb geli doono Munaasabad uu Xisbiga Himilo Qaran ku yeelanayaan Muqdisho.

Ayadoo dhanka kale laga yaabo in gudoomiyihii hore’ ee baarlamaanka soomaaliya Mohamed sheekh cusmaan jawaari loo magacaabayo Gudoomiyaha xisbiga Himilo Qaran

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *