Wararka Maqaallo

Maqaam (Status) Mise Matalaad (Representation)

Matalaadu:- Waa in Muwaadiniintu ay joogaan meelaha go’aanada siyaasadeed lagu jaangooynayo (Golaha Shacabka) si aysan ugu kadsoomin go;aano masiiri ah oo ay qaadanayaan Jilayaasha Siyaasadeed (Political Actors).

Maqaamku waa qaabka Maamul ay Caasimaddu yeelaneeyso marki loo fiiriyo Gobolada iyo Magaalooyinka xubnaha ka ah Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

Caasimadaha Federal-ka ah ma fiicanyihiin mise? tani waxay xaqiiqo ku noqoneeysaa in inta badan ay Caasimadaha Federal-ka aysanba matalaad ku laheyn Dowladda dhexe ama ay yartahay Matalaadooda sidaas ooy tahay ma helaan madax banaani buuxda oo ay isku maamulaan.

City Counsels-ka ay Caasimadaha Federaalka leeyihiin iyo Mayor-ka ay doortaan waxaa ka saameeyn badan Dowladda Federal-ka ah ee dhex joogta.

Qoraalada cilmiyeed ee laga sameeyay Federalism-ka waxay ku doodaan model-ka Degmo Federaal Caasimad ah sida Washington DC laga roonyahay oo uu u fiicanyahay shacabka deegaanka ah model-ka ah magaalo caasimad ah oo ku dhextaal Dowlad Goboleed xubin ka ah Dowladda Dhexe sida (Ottowa) Model.

Washinton waa Federal District oo laga soo kala jaray Goboladda Virginia iyo Maryland cod kuma lahan Senate-ka maadaama aysan aheyn Gobol. Waxaa jirta dood ay qabaan muwaadiniinta ku nool Washington oo ah waxa ay matalaad ugu yeelan waayeen Senate-ka maadaama ay yihiin muwaadiniin canshuur bixiya.

Ottowa sida caasimadaha Federaalka ah ee aduunka kale maaha oo ah Maamul gooni u taagan ee waa Caasimad Federaal ah oo katirsan Gobolka Ontario, Ottowa waxay leedahay City Council oo maamulka Magaaladda haya.

Haddii aan usoo noqdo Somali Federal Republic

Caasimaddu waa Mogadishu oo ku dhextaal Gobolka Banaadir kaasoo u baahan dib u naqshadeeyn iyo in Degmooyinka qaar lagu noqdo ee Maamul Goboleedyada KGS iyo Hirshabeele.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *