Wararka

Musuq-maasuqa Villa Somalia


Mid ka mid ah balanqaadyadii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) ayaa ahaa in ay dowladiisu la dagaalami doonto musuq-maasuqa dalka ka jira kaasoo gaaray in Soomaaliya noqoto wadanka ugu sareeya dalalka wax musuq-maasuqa adduunka (World’s Corruption INDEX).

Dowladda oo sida muuqata arintaa la dagaalanka musuqmaasuqa ah guullo badan ka soo hoyday ayey hadana u muuqataa inay jirto nasiib daro cusub oo ku habsatay Aqalka madaxtooyada oo ah halka laga bixiyo talada dalka kadib marki ay soo ifbaxeen arimo la xiriiro musuqmaasuq iyo wax is dabamarin culus.

Xubin ka tirsan gudiga shaqada iyo shaqaalaha oo codsaday in aan la shaacin magaciisa ayaa cadeeyay in Cabdirisaaq Xussein Aadan (Caato) oo ah agaasime ku xigeenka madaxtooyada uu dhibaato wayn u gaystay nidaamka shaqada iyo shaqaalaha dalka. Cabdirisaaq Caato wuxuu ku badaley dad ka badan qiyaastii 20 qof (oo dhamaantood qaraabadiisa ah) shaqaale hore oo meesha ka baxay.

Sida xogtani tilmaameyso ayaa Cabdirisaaq Caato wuxuu isticmaalaa awoodda madaxtooyada iyo saaxiibo uu ku lahaa gudiga shaqada iyo shaqaalaha. Waxaa sidoo kale jirta in marar badan ninkan horay loogu soo eedeeyay arimo musuqmaasuq la xiriira iyadoo lagu xusay warbaahinta Soomaalida.

Shaqsiyaadka uu ka mid yahay Cabdirisaaq Caato waxay baabi’inayaan rejooyinka laga qabo shaqooyinka dalka, jiritaanka cadaaladda iyo u sinnaanta xaquuqda; haddii aysan si degdeg ah wax uga qaban dowladda Federaalka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *