Isboortiga

Naadiga Barcelona oo guul weyn ku gaartay Garoonka kooxda Manchester United.

Barcelona ayaa guul muhiim ah Old Trafford kaga soo gaartay dhigeeda Manchester United kulankii lugta hore ee siddeed dhamaadka UEFA Champions league. Gool uu Luka Shaw iska dhaliyay isla markaana uu Luis Suarez sabab u noqday ayaa keenay in Man United ay guuldaro ku soo gaartay.

Lugta todobaadka dambe ayay Barcelona qabtaa kalsooni buuxdo taas oo ka dhaceeyso garoonkooda Camp Nou. Manchester United waxaa ay u baahan tahay inay dib u ugu soo laabato kulanka isla markaasna ay ugu yaraan 0-1 ku adkaato si waqti dheeri ah loo aadaa laakiin waxaa macquul ah inay gool iyo ka badan dhaliyaan sidee ku sameeyeen Juventus iyo PSG xilli ciyaareedkaan.

W/Q AK Caqil

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *