SHEEKOOYIN

SHEEKO GAABAN: Dabagale (Stalker)

Qeybta 1-aad:
Waxeey dhameysay shaqadeedii maalmeed, waana xiligii ay rawixi lahayd, laakiin Suuban waxeey go’aansatay in ay sugto saaxiibteed Trudy oo ay Isla raacaan tareenka si ay xaafadahooda oo isku dhow u aadan.
Waa wax ka dhaxeeyo, labadooda in midiba tan kale sugto haddii ay shaqada ka hor dhameyso, ka dibna marmar waxeyba isla sii fariistaan Maqaayad yar oo nin talyaani ahi leeyahay oo ka soo horjeeda, dhismaha weyn ee Suuban iyo Trudy ka shaqeeyaan, doolshe Iyo coffee mucamir Mahna lagu gado.
Maadaama aneey wax shaqo ah heynin, welina aneey iska damin computerkeedii shaqada, ayeey is tiri bal eeg facebook iyo fariimaha laguu soo diray tan Iyo maanta intaad shaqeyneysay, Suuban badiyaa waxeey furtaa facebook iyo twitter oo ay aad u isticmaashaba, marka aneey shaqo lahayn, maalmaha fasaxa iyo nasiinada iyo saacadaha ay soo rawaxday oo ay gurigeeda joogto, waayoo waaba siyaasada heyadda ay u shaqeyso, oo lamaba ogola in xilliyada shaqada, ay shaqaaluhu ku mashquulaan facebook iyo isticmaalka baraha kale ee bulshada.
Inteey koob shaahi ah ka soo iibsatay maaqayada goobta shaqada ku dhex taal, ayeey furtay sanduuqii facebook ee farrimaha u gaarka ahaa., fariinta ugu horeysa waxeey ka timid Xasan Badri oo ah ina-adeerkeed ku nool Sweden, waa uun iska salaan iyo xog-wareysi guud oo reerka ah, fariinta labaad waxeey ka timid Muna oo ay Suuban goor dhexdaas ah, isku barteen aroos ay ka wada qeybgaleen, iyadana waxeey ilowday oo ay ku ballansanaayeen in eey u sheegto, halka ay ka soo iibsatay set kuulo ah oo aad u qurux badnaa, oo Suuban xirneyd habeenkaas, si fudud ayeeyna ugu jawaabtay.
Fariinta saddexaad ma aneey garan waxeyse ka timid qof magac nin sita hayeeshee uu u saran yahay sawir gabdheed, waxaana ay xambaarsan tahay qoraal hal sadar oo kaliya ah….. Haye Suuban waa anigiiye, ma I xasuusataa.
Suubban wax weyn kameey dhigan fariinta horteeda ka muuqata, si fudud ayeey ugu jawaabtay “Kuma aqaan”.
Qofkii oo xilligaasba qadka dul fadhiyey ayaa isla markiiba jawaab soo tuuray, oo ku yiri “Waad i baran doontaa…..”
Weey naxday wax badanse kama sii fekerin, oo markiiba saaxiibteey Trudy ayaa soo dul istaagtay, garabkana ka taabatay una raacisay, “ina mari aanu baxnee”.
Subban inta computerkii damisay, oo koodhkeedii qaboowga gashatay ayeey boorsadeedii garabka suratay, waxeyna raacday saaxiibteed, balse mobilekeedii oo boorsada ku jira ayaa dhawaaqay, weey soo saartay iyadoo is leh hooyo ama walaalo ayaa ku soo wacay, mise farriin qoraal ah oo lifaaq sawir sidata ayaa dhex fadhida, wey furtay, isla markiina mobilekii ayeey tuurtay oo dhulka ku dhacay, dhidid fara badan ayaa ka soo boday, Indho baygagsan ayeeyna ku eegtay saxiibteed Trudy oo la socotay, waxaa dhagaheeda ka sii dhawaaqaya Trudy oo ku leh: “MAXAA KU HELAY! MAXAA KU HELAY! II SHEEG MAXAA KU HELAY!”.
WAA SOCOTAA……
W/Q: Amina Muuse Weheliye.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *