Wararka Maqaallo

Shirka Jabuuti ee Soomaalida

Soomaaliya waxay qalalaaso siyaasadeed ku jirtay laga soo bilaabo 1969 taasoo ay sabab u aheyd rag Somali ah oo aaminsan in ay Xukunka ayaga kaliya hagaajin karaan marki dambe-na aaminay in iyaga mooyee cid kale aysan Dalka maslaxad u wadin (Kaligii Wadani) waana tan maanta na dhaxalsiisay Xaaladda aan kujirno iyo kala qoqobka.

Aragti shalay lagu xasuuqay Hargeisa, Bari, Gaalkacyo, Cadaado illaa Xamar ayaa isla iyadii la rabaa in lagu xaliyo.

Soomaaliland Farmaajo oo kaligii Wadani ah sooma guryo-celin karyo asagana diyaar uma aha in uu sidaas sameeyo kaliya waxay ka aheyd igu sawir iyadiina waa ka halowday.

Farmaajo oo filaayay in Abiye Ahmed uu Muuse Biixi u qasbi doono ayaa dhinaca kale kala saftay kadib markii war-murtiyeedka xalay shirka kasoo baxay lagu xusay in Somaliland ay tahay dal la siman Somalia taasoo fal-celin xoog leh ay ka keeneen shacabka Soomaaliyeed isla markaana culeys siyaasadeed ku noqotay Farmaajo.

Shirka ayaa u muuqda in uu fashilmay kadib markii la isku fahmi waayay ajandaha laguna kala tagay balse si loo muujiyo in wax uun kasoo baxeeen ayaa guddi farsamo oo magac u yaaal ah la magacaabay si howsha ay usii wadaan shirkana aan fashil loogu tilmaamin.

Ethiopia iyo Mareeykan Kabaweyne daacad kama aha arrimaha Soomaaliya balse waxay u muuqataa in arrintan ay salka ku heeyso kala riixasho saameynta qolo walba ay ku leedahay Geeska Afrika Geopolitic ahaan waxaana is wada fiirinaayo China, US, EU States, Russia, Turkey iyo Khaliijka oo safka Mareeykan iyo Ethiopia kujira.

Farmaajo maanta wuxuu soo laabtay asaga oo madluunsan Garoonkana orod uga soo baxay inkastoo mar dambe-na aan war ku helay in uu xanuunsan yahay oo Malaria iyo qandho ay kula soo kacday Djibouti.

Soomaaliya badbaado ayey rabtaa….

Magan Allah

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *