Isboortiga

Tartankii Premier League oo gabo gabo ah iyo jamaahiirta Liverpool oo baryo taagan. Yeey baryeen?

Jamaahiirta kooxda Liverpool ayaa labadii tababare ee kooxdooda Liverpool kula soo dhawaaday ku guulaysiga koobka Premier league waxay ka doonayaan in ay asxaan u sameeyaan waxayna kala yihiin tababarayaasha kooxaha Leicester City ee Branden Rogers iyo Rafa Benitez oo hogaaminaya Newcastle United.

Labada nin ayaa kala hogaamiya Kooxaha Leicester City iyo Newcastle United waana macalimiintii hore ee Liverpool. Newcastle waxaa ay la ciyaareeysaa Liverpool maalinka Axada ah halka Leicester City ay wajaheeyso Kooxda Manchester City maalinka Isniinta ah ee todobaadka dambe hadaba Taageerayaasha ayaa doonaayo in Newcastle United ay sii deeysaa Liverpool halka Leicester City ay doonayaan inay dhibco ka soo helaan Garoonka Kooxda Man City.

W/D AK

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *