Wararka

Xuquuqda Bulsho ee Xamar ma loo wada simanyahay, yaase gaar u leh Xamar iyo Asal ahaan yaa ugu soo horeeyay deegaanka?

Xamar taariikhdan casriga ah waxaa loo yaqaanaa beel gaar ah oo la yiraahdo Mudulooad Magaca guud, Soomaali inta kalena waa ay ugu timid oo ninba maalin ayaa lasoo dhaweeyay oo lagu marti sooray.

Dadka Xamar yimid waxaa ka mid ah Carabta kasoo qaxday dhanka kale ee Badda Cas/Gacanka Cadmeed Yemen ama Cumaan sabab kasto ha ugu wacnaatee qaar kasoo qaxay abaaro/dagaalo qaar xoolo doon iyo ganacsi u socday ama howlo kale oo xirfadeeysan.

Marka hore ee bulsho meel degan loo imanayo waxaa dhacda in loo sheegto sabab aan aheyn tan rasmiga ee loo socdo, tusaale: Yuusuf Cali Keenadiid oo laga masaafuriyay Saldanadii Majeerteeniya oo Cadan loo masaafuriyay ayaa muddo kadib kasoo degay Hobyo asoo wata Dooman ay saaranyihiin hub iyo Ciidan Yemen ah, wuxuu ka dalbaday reeer Hobyo in la soo dhaweeyo oo la siiyo meel uu dhigto maqaar balse marki dambe noqday dhufeeys iyo waxa la isku rakibo, marki dadkii deegaanka ay diidi maageena waxay isku badashay gacan ka hadal iyo rasaas illaa markii dambe ay reer Hobyo iyo intii u dhaweeyd ay aqbalaan xukunkii Keenadiid illaa uu markii dambo Shiikh Daauud Culusoow kasoo celiyay Mareeg oo dhagta ciida loo daray lana dilay Suldaankii Markaa Saldanadda hayay.

Aan kusoo noqdo Xamar, su’aashu kama taagno yaa leh balse waxaa meesha taalo aragti dheheeyso ‘Ku qabso kuma qadeeysidee, ama ‘Keeyga anaa leh kaagana kula lihi’. Beri waxaa jirtay Xamar qofka yimaado la siin jiray aqoonsi uu ku qoran magaciisa iyo cidda ka wakiilka ah ee uu damaanadooda uu ku deganyahay Xamar, inta badan waxaa dadka martida ku ah Xamar damaanad ka ahaan jiray Reer Isloow oo berigaa ahaa Saldanadda Xamar ka talin jirtay oo illaaa hadda Mudulood Madax dhaqameed u ahaa waxayna Jisyo/kiro ama canshuur ka qaadi jireen Saciid Barqash oo Xamar xarun uu ka ilaaliyo ganacsigiisa Zanzibar u socdo u aheyd.

Soomaali badan oo qof qof iyo qoos u socda ayaa Xamar yimid qofba maalin iyo sanad gooni ayuu yimid, qaar ayaa qoosas kusoo degay, qaar-na darbi jiif, kuwo shaqo usoo doontay Talyaanigii, kuwo yimid xoriyaddii halka kuwa kale reero ay xidid ahaayeen ay goofaf siiyeen oo lagu sooryeeyay; Faarax Seefeey oo ka hadlaayay reer Xamar lagu soo dhaweeyay ayaa ku yiri nin Reer Mataan ahaa oo la oran jiray Maleele Maxamuud

‘ Dhalyo soo dhaweeysigaan dhulkaan anaa lahee dhaxlee’

Maanta in Banaadir laga soo reebo 14 Degmo oo Xamar ah eedeeda waxaa iska leh Mudulood oo aqbalay in labada Shabeele la kala raacsiiyo Hirshabeele & Koofur Galbeed, tii oo aad raali ka noqotay ayaa keentay in inti hartay la dhaho 4.5 ayaa lagu qeeybsanaa ama Xuduuda Koofur Galbeed Arbaco rukun waaye.

Umad marki ay wareerto colka iyo colaada ku bataan waxaaa soo baxa hogaan umadda badbaadiyo Alloow Umaddaan Culumo, Nabadoono sida Xasan Geedi Abtoow, Faarax Seefeey, Shiikh Daauud Culusoow iyo Isloowyo iyo Ugaasyo san usoo saar.

Haddii ay dadka kale waxooda ay kaa amaan galaan hubi in waxaaga aan laguugu heeysan, si ay waxa aad adiga leedahay u amaan galaan ku qabso ama khatar gali waxa ay dadka kale leeyihiin si aan laguugu mashquulin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *