Wararka

Yaa Musuqmaasuqa Wasaardda Caafimaadka Soomaaliya Masuul Ka Ah?

Waa faalo aan ugu magacdarnay yaa masuul ka ah musuqmaasuqa iyo maamul xumada lagu soo eedeeyay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.

Waxaa la xiray bishii April 2020 Agaasimaha Guud ee Wasaradda Caafimaadka, Cabdulaahi Xaashi iyo shan agaasime ee ka tirsanaa shaqaalaha wasaradda iyo sedex ka mid ah agaasimayaasha iyo qeybo kamid ah madaxda mashaariicda .

Wasiiradda Caafimaadka Fowsiya Abiikar Nuur ayaa saaxiibo dhaw la aheyd agaasimaha Guud,
waxaana ka dhaxeeyay wadashaqeyn hoose sida aan ku helnay xogaha.

Waxaa cajiib ah in Wasiiradda Caafimaadka Fowsiya danbiga eey laheyd loo maqaar saaray Agaasimaha Guud Cabdulaahi Xaashi , sida eey shegeen garyaqaanada maxkamadda .

Agaasimaha Guud ayaa ka sheegay maxkamadda horteeda in wax walba uu Wasiiradda kala tashan jiray cadeeyn suganna uu hayo.

Dhanka kale Agaasimaha maamulka iyo maaliyadda ayaa ka hor cadeeyay maxkamadda in ay si sharciga qilaafsan ay lacag dhan $3000 si naas-nuujin bil walba lagu bixin jirey guri ku yaal agagaarka Airportka si dadbanna ay Wasiiradda ka manaafacday shaqsiyan.

Waxaa kalo uu shegay Agaasimaha maamulka iyo maaliyadda in eey bil walbo siin jireen Wasiiradda lacag joogta ah.

Sharci yaqaanada ayaa shegay in eey masuuliyadda dhaqaalaha la lunsaday ay leedahay Wasiiradda Caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur, taasne badalkedii loo maxkamadeynayo Agaasimaha Guud .

Wasiiradda Caafimaadka Fowsiya Abiikar Nuur ayaan aheyn qof siyaasi ah ama saaxiibo ku leh siyaasadda , awoodna ama saameyn ku laheyn beesha eey ka soo jeedo.

Sida aan ku helnay xogo kalena waxeey shegeysaa in la soo gabagabeyn rabo maxkamadda, Agaasimaha Guudna lagu waaayey denbi, qareenadana ay ku andocoodeen in Wasiiradda eey qeyb ka tahay dhaqaale lunsiga sharciga qilaafsan cadeeymo badana la horkeenay maxakamada.

Warar hoose oo kale ayaa sheegayo in Wasiir Fowsiya Abiikar Nuur ineey qabanqaabineyso safar dalka dibadiisa kadibna iscasilaad shaqo soo gudbin doonto ayna ku biiri doonto mucaaradka Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, taasoo keeni karto culeys siyaasadeed.

La soco xogo badan ee ku saabsan arinkaan!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *